Milateriga Syria oo lagu Eedeeyey inay Geysteen Weerar Kiimiko ah

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa kacdoonka Syria oo baaritaan ku sameynaya meydadka dadkii lagu dilay nawaaxiga Dimishiq oo ay kooxdu ku eedeysay in ciidanka dowladdu ay u adeegsadeen hubka kiimikada ah, August 21, 2013.

Nin cisbitaalka ku haya laba caruur ah oo ay kooxaha u dhaqdhaqaaqa kacdoonka Syria ay ku sheegeen inay gaartay sunta gaaska ee lagu weeraray nawaaxiga Dimishiq, August 21, 2013.

Dad ay saameysay sunta gaaska ah, sida ay sheegeen kooxaha u dhaqdhaqaaqa kacdoonka Syria, ayaa lagu daaweynayaa isbitaal ku yaalla xaafadda Duma ee magaalada Dimishiq, August 21, 2013.

Qof dhalinyaro ah oo ay sunta gaasku saameysay, sida ay sheegeen kooxaha u dhaqdhaqaaqa kacdoonka Syria, oo lagu daaweynayo isbitaal ku yaalla nawaaxiga magaalada Dimishiq, August 21, 2013.

Askari ka tirsan milateriga Syria oo garaarsan qori AK-47 ah oo uu ku dhagan yahay sawirka Madaxweyne Basharal Assad oo uu la socdo qoraal ku dhigan afka carabiga oo oranaya " Syria way wanaagsan tahay" waxa uuna taagan yahay bar koontarool oo ku taalla wadada Baghdad ee magaalada Dimishiq, August 21, 2013.

Askari ka tirsan milateriga Syria oo baaraya gaari taagan bar kontarool oo ku taalla wadada Baghdad ee magaalada Dimishiq, August 21, 2013.