Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland ayaa maanta ku xukuntay Suxufiyiinta kala Maxamed Cabdi Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed Xuseen min hal sano iyo afar bilood oo xadhig ah waxaanay xorriyaddiisi u celisay Cabdiraxmaan Cali Khaliif.
Dhinaca kale maxkamadda racfaanku ayaa sannad iyo afar bilood ku xukuntay weriye Cabdimaalik Muse Coldoon oo muddo xirnaa.
Wariyeyaashan maanta la xukumay qaarkood ayaa la xidhay 13 April arrin la xiriirtay dhacdadii xabsiga Hargeysa.