Faaqidaadda Todobaadka: Ahlu-Sunna waa urur caynkee ah?

Maleeshiyad Ahlu-Sunna

Barnaamijkan gaarka ah waxaan ku faaqiddaynaa ururka Ahl-Sunnah Wal-Jamaacah oo saaxadda siyaasadda Somalia soo galay 2 sano ka hor.

Laba sano kahor, waxaa saaxadda siyaasadeed ee Somalia si xoowli ah kusoo galay urur ay ku mideysan yihiin dariiqooyinka Suufiyada ee Somalia, ururkaas oo la magac baxay Ahlu-Sunna Wal-Jamaacah. Waxaa la rumeysan yahay in qeyb ahaan, soo if-bixidda ururkan ay la xiriirto burburin ay kooxda Al-Shabaab u geysatay qaar badan oo kamid ah qubuuraha loogu barakeysiga badan yahay ee culimada Suufiyada. Falkaas, oo ay dariiqooyinka Suufiyadu aad uga caroodeen, ayay ku go'aansadeen inay is-difaacaan. Waxayna
dhisteen Ahlu-Sunna Wal-Jamaacah, oo imminka gacanta ku heysa degmooyinka Caabudwaaq, Guriceel, Dhusamarreeb iyo kuwa kale.

Dhanka kale, garab kale oo Ahlu-Sunna ah, ayaa isna gacanta ku haya degmooyinka Ceel-Dheer, Masagawaay, Cadale, Ruun Nirgood iyo kuwa kale, oo Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe ku yaalla. Sidoo kale, malleeshiyo kale oo ay hoggaamiyaan dagaal-oogayaal hore, isla markaana xambaarsan ayaa ka dagaallamaya aagga Beledweyn iyo aagga Doolow.

Cududda Ahlu-Sunna, oo hadda ah midda kale ee u babac dhigtay al-Shabaab, ayaa misana sidoo kale waxaa ku dhex jira khilaaf xagga guddoonka ururka ah. Laba wadaad, oo kala ah Sheikh Sharif Sheikh Muxudin Celi, iyo Macallin Maxamud Sheikh Xuseen. Kala qeybsanaanta Ahlu-Sunna ayaa dhaawaceysa halganka ururka.

Intaas waxaa dheer xiriir la sheegay inuu ka dhaxeeyo Ahlu-Sunna iyo dalka Ethiopia, dalkaas oo ay Soomaali badani cadow u arkaan.

Barnaamijkan waxaan ku wareysannay masuuliiyiin ka tirsan Ahlu-Sunna, iyo khubaro ku xeel-dheer ururka.

Barnaamijka oo buuxa qeybta hoose ee boggan ka dhagayso.