Somaliland ayaa sheegtay inay ka qeyb qaadaneyso gurmadka caalamiga ee Abaaraha ee Soomaaliya.
Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay inay ka qeyb-qaadato gurmadka caalamiga ah ee loo fidinayo dadka ay abaaruhu bara kiciyeen ee Geeska Afrika, gaar ahaan Somalia.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada ayaa lagu sheegay ingollaha wasiiradda ee Somaliland ay go’aamiyeen in loo fasaxay isticmaalka dekedda Berbera cid taakullo u sida dadka ku macluulsan Somalia iyo inay Somaliland uga sii gudbin karaan cuntada ay u sidaan Somalia.
War-saxaafadeed ayaa sidoo kale lagu sheegay in la magacaabay guddi ka kooban 7 wasiir oo ka soo talabixiya kaalinta gurmad ee Somaliland iyo sidii qaadhaan loogu uruurin lahaa dadka ku tabaalaysan Somalia.