Somaliland oo Deeq Geysay Xeryaha Dhadhaab

  • Sahra Abdi

Somaliland oo Deeq Geysay Xeryaha Dhadhaab

Somaliland ayaa maanta deeq gaarsiisay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya. Deeqdan oo ku filan 5 kun oo qoys ayaa waxaa maanta loo qeybiyay dadka ku jira xerada Ifo 2.

Deeqdan waxaa halkaasi geeyay guddiga Somaliland u qaabilsan abaaraha oo ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Somaliland.

Deeqdan ayaa ah tii labaad ee Somaliland ka timaada, iyadoo horey Somaliland deeq u gaarsiisay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kalena, madaxweynaha DKMG Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyay deeqaha ay Somaliland ugu talagashay dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee koonfurta Somalia.