Soomaaliya oo 1-0 kaga badisay Zimbabwe

Soomaaliya ayaa looga dabbaaldegay guusha ay xulka qaranku kasoo hooyeen ciyaar shalay ka dhacday dalka Jabuuti.

Ciyaarta waxaa iskaga horyimid kooxda Soomaaliya iyo kooxda Zimbabwe, waxayna ahayd is-araggii hore ee is-reebreebka tartanka Koobka Adduunka oo 2022-ka lagu qabanyo dalka Qadar.

Soomaaliya waxaa goolka u dhaliyey ciyaaryahan Anwar Siid Cali oo dhaliyey daqiiqadii 86-aad kadib markii uu madaxa ku dhaliyey.

Ciyaarta is-araggeeda labaad ayaa Axadda soo socota ka dhacaya magaalada Bulawayo ee dalka Zimbabwe.

Soomaaliya waxay xagga dambe kaga jirtaa liiska waddamada ugu hooseeya heerka kubadda cagta qaaradda Afrika, hase yeeshee waxay shalay si xarrago leh uga badisay Zimbabwe oo ka mid ah kooxaha ugu fiican qaaradda.

Warbixintan waxaa Jabuuti kasoo dirtay Sagal Saciid Faarax

Your browser doesn’t support HTML5

Soomaaliya oo guul ka gaartay Zimbabwe