Qaxooti Cusub oo Soo Gaadhay Boosaaso

Mas'uuliyiinta maamulka dekedda Boosaaso ayaa sheegay in dalka ay soo gaadheen dadkii ugu badnaa ee ilaa haatan kasoo carara qalalaasaha Yemen.

Dadka maanta soo gaadhay Yemen ayaa tiradoodu gaadhaysaa 1,723 qof oo iskugu jira 763 carruur ah, 581 dumar ah iyo 379 rag ah.

Doonta dadkan sidday ayaa kasoo shiraacatay dekedda magaalada Mukalla ee Yemen.

Maalintii shalay ayaa Yemen ay ka bilaabatay xabbad-joojin soconaysa shan maalmood oo ay wada gaadheen isbahaysiga uu horseedka ka yahaya Sucuudiga iyo mucaaradka Xuutiyiinta.

Warbixin ay magaalada Bosaaso ka soo dirtay wariyeheenna Faadumo Yaasiin Jamac halka hoose ee qoraalka ka dhageyso:

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Qaxootiga Yemen ka Tagay ee Gaaray Bosaaso