Wasiirkii Ciyaaraha oo Geeriyooday

Afganistanac sa suprugom, negdje na području provincije Parwan, na jedinom "prevoznom sredstvu" koje imaju.

Wasiirka Ciyaaraha ee DKMG ayaa ku geeriyooday Sucuudiga, isaga oo u jiifay dhaawacii ka soo gaadhay Qaraxii Shaamow.

Cadulaahi Colaad Rooble oo ay walaalo ahaayeen wasiirka kuna hayay Isbitaal ku yaallay Magaalada Riyaadh ayaa VOAda u xaqiijayay geerida wasiirka.

Suleymaan Colaad Rooble oo 47 jir ah ayaa u geeriyooday dhaawac dhinaca madaxa ah oo ka soo gaadhay qaraxii Hotel Shamow ee 3dii December ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Ciyaaraha ayaa noqonaya wasiirkii 4aad ee u geeriyooda Qaraxii Shaamow.

Wasiirul dawlaha xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Khalid Cumar Cali ayaa VOAda isaguna u xaqiijiyay dhimashada wasiirka, waxaana uu xusay in DKMG ay xidhiidh la samaysay dawladda Sucuudiga si loo iskula meel dhigo qabanqaabada aaska Marxuumka.

Wareysiga wasiirka midigta sare ka dhagayso.