Sidee Looga Hortagi Karaa Weerarada Hoteellada?

Naasa-hablood Attack

Sanadihii ugu dambeyey waxaa Al-Shabaab ay weeraro joogto ah ku qaadayeen hoteellada ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaga laayey dad badan oo isugu jira rayid iyo mas’uuliyiin.

Weerarkii ugu dambeeyey ayey Al-Shabaab la beegsatay hoteelka Naasa-Hablood, oo maalintii sabtidii ay qarax iyo weerar isla socda ku qaaday, kuna dishay dhowr iyo toban qof.

Walaaca ugu badan ee iminka jira ayaa ah in weeraradan intooda badan aan laga hortagin, dowladduna ay u muuqato mid aan awood u lahayn inay xal u hesho mushkiladdan.

VOA-da ayaa la hadashay aqoonyahanno dhowr ah oo dhinaca siyaasadda iyo amniga ku xeel-dheer, waxna ka weydiisay sida looga hortagi karo weerarada noocan ah iyo cidda leh mas’uuliyadeeda.

Sahra Cabdi axmed ayaa warbixintan ka diyaarisay.

Your browser doesn’t support HTML5

Sidee looga hortagi karaa weerarada hoteellada