Shirka maamullada gobollada iyo degmooyinka HirShabeelle oo furmay

Madaxweynaha maamul gobaleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa magaalada Jowhar ka daah-furay shir weynaha maamullada goballada iyo degmooyinka HirShabeelle.

Shirka oo socon doono muddo afar cisho ah ayaa diirada lagu saari doonaan hanaanka shaqo ee maamullada goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo hoggaanka degmooyinka labadaas gobal.

Warbixintan waxaa magaalada Baledweyne kasoo diray wariyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane.

Your browser doesn’t support HTML5

Shirka maamullada gobollada iyo degmooyinka HirShabeelle oo furmay