Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay shir looga hadlayay arrimaha la xiriira dib u eegsta dastuurka dalka, kaas oo ay soo qaban qaabisay dowladda Soomaaliya.
Shirka ayaa waxa uu gaar u ahaa culimada Soomaaliyeed, si loo helo aragtidooda ku aaddan dib u eegista dastuurka muddada dheer qaatay ee Soomaaliya.