Shir Caalami ah oo looga Hadlay Burcad-badeedda

Shir Caalami ah oo looga Hadlay Burcad-badeedda

Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark ayaa lagu soo gabagabeeyay shir caalami ah oo looga hadlay Burcad badeedda Soomaaliya.

Shirkan ayaa ahaa mid ay soo qabanqaabisay Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Burcad Badeedda ka dhacda Badahaha Somalia.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Denmark ayaa shirkan marti galisay.

Shirka ayaa socday laba cisho waxaana lagaga hadlayey arrimo la xiriira xagga sharciga, sida Xariga, Maxkamadaynta iyo dib u soo celinta Burcad Badeedda Somaliyeed ee ku xiran adduunweynaha, si ugu dhammaystaan xarigooda Somaliya.

Waxaa ka soo qaybgalay wafuud dhan 111 wafdi, oo isugu jira Dawlado iyo Ururro Caalami ah.

Khubaradii shirka ka hadashay ayaa waxa ka mid ahaa Jack Lang, oo uu dhawaan BAN Ki-moon u magacaabay la taliayaha xagga sharciga arrimaha la xiriira Burcad Badeedda.

Waraysi ay VOAdu la yeelatay agaasimaha la dagaalanka burcad badeedda ee wasaaradda dekadaha ee Puntland Cabdirasaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) oo shirkaasi ka qayb galay ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.