Sharmarke: Xukuumaddu uma Baahna Kalsooni loo Qaado

Sharmarke: Xukuumaddu uma Baahna Kalsooni loo Qaado

Raisal-wasaaraha DKMG ayaa si weyn u qaadacay fadhigii baarlamaanka ee maanta oo ay 296 mudane ku codeeyeen in xukuumaddu ay kalsooni weydiisato baarlamaanka.

Raisal-wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa diiday codeynta maanta ka dhacday baarlamaanka Somalia oo 296 mudane ay ku codeeyeen in xukuumadda Sharmaarke ay hor timaado baarlamaanka Somalia si kalsoonida loogu qaado.

Raisal-wasaare Sharmarke, wuxuu kulankii maanta ku tilmaamay mid fowdo ah oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo siyaasadda Somalia.

Raisal-wasaaruhu wuxuu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid aan haysan koromkii loo dhamaa, sidoo kale uu dalka joogay guddoomiyaha baarlamaanka, balse la hareer maray oo lagu kacay fal sharci darro ah.

C/rashiid wuxuu sheegay inuu sharciga la tiigsan doono oo uu dacwad ka geyn doono xildhibaannada wada arrimo uu ku tilmaamay fowdo iyo buuq siyaasadeed.

Cumar C/rashid, wuxuu sheegay inaanu kalsooni u baahnayn oo xukuumadda ay haysato kalsoonidii loo qaaday markii Djibouti lagu soo dhisay

Raisal-wasaaruhu wuxuu sheegay in maalinta sabtida ah uu hadal ka jeedin doonno, wuxuuna ka dhawaajiyay inuu aqbali doono haddii baarlamaanka Somalia ay si sharci ah xukuumaddiisa kalsoonida ugala noqdaan.