Dadweynaha ku nool magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa cabiray dareenkooda ku aaddan natiijadii kasoo baxday doorashada madaxtooyada iyo xisbiyada Somaliland.
Waxay baaq u direen madaxweynaha cusub ee la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo ay rajo ka muujiyeen in maamulkiisa uu fulin doono ballamadii uu qaaday xiligii ololaha doorashada uu ku jiray.