Dagaalka Dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo ka tirsanaa maleeshiyada al-shabaab, halka nabaddoon ka soo jeeda dhinaca kale la dhaawacay.
Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in hal qof oo ka tirsanaa maleeshiyada ururka al-shabaab lagu dilay, qof nabaddoon ahina lagu dhaawacay, dagaal dhexmaray maleeshiyada al-shabaab iyo dad xoolo-dhaqato ah.
Xildhibaan Geedi oo ka tirsan baarlamaanka KMG ah, kana soo jeeda gobolkaasi ayaa VOA-da u sheegay in isku dhacu uu ka bilowday ka dib markii maleeshyada ururka al-Shabaab ay dadka ku amreen inay xoolohooda Zakada ka bixiyaan.
Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka jirta abaar saameysay dadka iyo xoolaha.