Sacuudiga:Meydad Soomaali ah oo la Helay

Sacuudiga:Meydad Soomaali ah oo la Helay

Meydadka ilaa iyo 40 qof oo tahriibayaal ahaa oo lagu sheegay Soomoali ayaa ku jira qaboojiyeyaal ku yaala koonfurta Dalka Sacuudiga.

Dadkaasi ayaa mudooyin kala duwan ay toogteen ciidamada ilaalada xuduudaha ee dalka Sacuudiga xilli ay ka soo talaabayeen dhinaca dalka Yemen. Dhawaan ayaa booliska koonfurta Sacuudiga ay la xiriireen jaaliyadda Somalida ee halkaasi ku nool waxeyna u sheegeen in shan qof oo ka mid ah meydadka ay hayaan ay ka heleen Aqoonsi rasmi ah oo ah kaararka Qaxootinimada ee ay bixiso Hay'adda UNHCR.

Wareysi aarintaasi ku saabsan oo aan la yeelanay Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Koonfurta Sacuudiga Cali Jeyte Geesey halkan hoose ka dhageyso.