Muqdisho: Saraakiil Tababar loo soo xiray

Ciidamo Boolis ah oo socda Muqdisho

Tababarkan ayaa waxa uu socday muddo 15 maalmood, waxaana ciidanka la tababaaray badankood ay ahaayeen saraakiil.

Tababar loo fidiyay ciidamo boolis ah oo loogu talaga lay inay ka hawlgalaan 13 degmo oo ka mid ah degmooyinka dhawaan laga saaray Al-Shabaab, ayaa maanta lagu soo geba gebeeyey magaalada Muqdisho.

Tababarkan ayaa waxa uu socday muddo 15 maalmood, waxaana ciidanka la tababaaray badankood ay ahaayeen saraakiil.

Degmooyinka ay ciidamadan tagi doonaan ayaa waxa ay ka kala tirsan yihiin gobollada Gal-Gaduud, Mudug, Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool iyo gobollo kale.

Waxyaabaha tababarkan lagu siiyey ciidamada ayaa waxaa ka mid ah sidii ay u dhowri lahaayeen shacabka, marka ay taageen goobaha laga saaro Al-Shabaab, loona dul-qaato shacabka.

Faahfaahinta arrintan ayaa Xuseen Barre waxa uu ka waraystay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya Maxamed Yuusuf.

Your browser doesn’t support HTML5

Afhayeenka Wasaaradda Amniga