Safarka Xasan Sheekh ee Jubaland xal ma u noqon karaa xiisadda Gedo?

Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

Iyadoo muddo ka badan saddex sano uu khilaaf ka taagan yahay gobolka Gedo ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu booqasho ku joogaa magaalada Kismaayo.

Arrimaha uu madaxweynaha diiradda ku saarayo safarkiisa waxaa ka mid ah dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xaqiijinta Jubaland heshiis ah, iyo fidinta gogol midaysa dadka Jubbooyinka.

Madaxweynaha ayaa maanta Kismaayo kula kulmay siyaasiyiinta ka tirsan maamulka Jubaland ee kasoo jeeda gobolk Gedo, waloow aan saxaafadda loo ogolaan inay ogaato waxyaabihii kasoo baxay kulankaasi.

Hadaba safarka Madaxweyne Xasan Sheeq xal ma u keeni doonaa arrimaha ka taagan gobolka Gedo? Su’aalahaasi iyo kuwa kale ayaa wariyaha VOA-da uga soo waramaya Jubooyinka Aaden Maxamed Salaad waxa uu weydiiyay Professor Cabdullaahi Sheekh Shaafici oo ka mid ah ururada bulshada rayidka, islamarkaana ka faallooda arrimaha siyaasadda.

Your browser doesn’t support HTML5

Safarka Xasan Sheekh ee Jubaland xal ma u noqon karaa xiisadda Gedo?