Muqdisho —
Saddex qof oo dumar ah ayaa ku dhintay kadib markii ay dumeen laba dabaq oo midi ahaa 9 biyaano, halka kan kalena uu ahaa 4 biyaano, oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee degmada Howlwadaag.
Labada dabaq ayaa ku dul habsaday guri fillo ah, waxaana guriga deganaa qoys ka kooban shan qof oo saddex ay ku dhimatay.
Mid ka mid ah maamulka degamda Howlwadaag ayaa VOA u xaqiijiyay dhimashada saddexda haween.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la soo xiray injineeradii dhisaayay guryaha iyo milkiilayaasha labada guri.
Afhayeenka ayaa sheegay in weli uu socdo baaritaan ku wajahan arrintan.