Xamza: Waxaa dowladda ka go'an inay dalka xoreyso

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maalinimadii Arbacada safar ku tegey magaalada Aadan Yabaal, isaga oo khudbad u jeediyey ciidamada xoogga dalka.

Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa u sheegay ciidamada inaan la joogin meel dib looga laabto, dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Ra’iisal wasaaraha ayaa khudbadda u jeediyey ciidanka xoogga dalka oo la sheegay, qaarkood inay dib uga soo gurteen magaalooyin ay horey uga qabsadeen al-Shabaab kadib weerarkii Cawsweyne.

Warbixintan waxaa diyaarisay Falastiin Axmed Iimaan.

Your browser doesn’t support HTML5

Xamza: Waxaa dowladda ka go'an inay dalka xoreyso