Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Maxamed Xuseen Rooble oo ahaa Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya tan iyo bishii September ee sanadkii 2020, waxaana xafladda xil-wareejinta goob-joog ka ahaa guddoomiyeyaasha labada aqal, golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo marti-sharaf kale.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sabtidii ansixiyay Ra'isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu 16-kii June u magacabay xilka Ra'isul Wasaaraha.
Ra'isul Wasaare Barre ayaa sheegay in uu soo dhisi doonoo xukuumad ka shaqeysa sugista amniga, abaaraha, dastuurka, xasllooni siyaasadeed iyo dib u heshiisiin.
Halkan ka dhageyso wareysi gaar ah uu Sabtidii Ra'isul Wasaare Xamse siiyay VOA.
Your browser doesn’t support HTML5
06.25 INTERVIEW WITH PM .mp3