Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta booqday garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasi oo laba maalmood ay ka taagnayd cabasho ay samaynayeen dadka safraya kadib markii ay sheegeen in lagu soo rogay lacago dheeraad ah oo mas’uuliyiinta garoonku ay ka doonayaan dadka musaafurka ah.
VOA waxay la xiriirtay mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, balse ilaa haatan nooma suurtogelin inaan waraysi ka helno.
Warbixintan waxaa soo diray Cabdicasiis Barrow.
Your browser doesn’t support HTML5
R/W Xamza oo faro-geliyey xiisad ka taagneyd garoonka Aadan Cadde