QM: Macluushii Soomaaliya waa laga Baaqsaday

UN logo

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in macluushii laga baqayay inay ka dhacdo Soomaaliya in laga baaqsaday.

Si kastaba, agaasimaha hay’adda cuntada adduunka ee Qaramada Midoobay ee Somalia, Laurent Bukera waxa uu ka digay in weli cunto yaridu ay taagan tahay oo ay keeni karto musiibo hadii beesha caalamku ay ka gaabiso dadaalkeeda.

Laurent Bukera ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka bad-baaday inay ka dhacdo macluul la mid ah tii ay 250-ka kun ee qof ku dhinteen sanadkii 2011kii

Wariyaha VOAda Lisa Schlein ayaa warbixintan ka soo dirtay magaalada Geneva. Waa kan Xuseen Barre Aaden oo inoo soo jeediya.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Xuseen Barre Aadan