Qaxootiga Kenya oo rajo wanaagsan ka qaba in la dhaqan geliyo sharci wax badan u ogolaanaya

Xeryaha Qaxootiga ee Soomaalida ee ku yaalla Kenya oo dusha laga sawiray

Xeryaha Qaxootiga ee Soomaalida ee ku yaalla Kenya oo dusha laga sawiray

NAIROBI - Kumanaan qaxooti ah oo ku nool dalka Kenya ayaa raja wanaagsan ka qaba inuu hirgalo go'aan uu dhowaan saxiixay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, kaasoo qaxootiga u ogalaanaya inay si xor ah ugu dhex safri karaan gobolada kala duwan ee Kenya, sidoo kalena ay uga dhex shaqaysan karaan dalka gudihiisa.

Ergayga gaarka ah ee hay'adda UNHCR u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee Bariga Africa, Ambassador Maxamed Cabdi Afeey, ayaa sheegay in waxa kaliya ee ay dowladda Kenya ka sugayaan uu yahay sidii loo dhaqan gellin lahaa go'aankaasi.

Ambassador Maxamed Cabdi Afey ayaa magaalada Nairobi ugu waramay weriyaha VOA Khadar Maxamuud Xareed.

Your browser doesn’t support HTML5

Waraysiga Ergeyga Gaarka ah ee UNHCR