Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho

  • VOA Somali

Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaa degmada Xamar-Jajab.

Qaraxan ayaa lala bartilmaameedsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada dowladda KMG ee Somalia, hasse yeeshee ciidamadan ayaa ka bad-baaday qaraxaasi.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay laba caruur ah oo ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay.

Qaraxan ayaa ah kii labaad ee ka dhaca Muqdisho 24-kii saacadood ee la soo dhaafay. Ugu yaraa 4 qof ayaa dhintay shalay kaddib markii uu dhacay qarax baabuur oo lala eegtay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda ee DKMG ee Somalia.