Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in xubnaha Shabaab ay Daacish ugu biireen dhaqaale dartiis kadib markii ay Al-Qacida dhaqaalaha ka jaratay.
WASHINGTON, D.C. —
Mamaulka Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay wararka sheegaya in xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku sugan Buuraha Goolis ay ku biireen ururka Daacish.
Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdi Xirsi Cali “Qarjab”, ayaa sheegay in Daacish, Al-Shabaab iyo Al-Qaacida ay gebigoodba yihiin ururo argagxiso oo aysan waxba isku dhaamin.
Qarjab waxa kale oo uu sheegay inuu maqlay warar sheegaya in Al-Qacida ay dhaqaalihii ka jarteen Al-Shabaab, islamarkaana ay xubnaha Shabaab ay Daacish ugu biireen dhaqaale dartiis.