Puntland oo Saldhig Cusub ka Qabsatay Kooxda Sh. Atam

Ciidanka Puntland ayaa maanta qabsaday Saldhigga Madar-shoon, goobtan oo ah tii saddexaad ee todobaad gudihii kooxda Sh. Atam laga saaro

Dagaal cusub oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxda uu hogaamiyo Sh. Maxamed Siciid (Atam) ayaa maanta duhurnimadii ka bilowdya goobta lagu magacaabo Madar-shoon oo qiyaastii 18km u jirta tuulada Galgala, halkaas oo ahayd saldhig ay degganaayeen kooxda Sh. Atam.

Waxa wararku sheegayaan in ciidamada Puntland ay saldhigaas qabsadeen, kooxdii la dhagaalamaysayna oo dib u gurteen, haddana la isla gaaray meesha lagu magaaco Xammur oo dhawr KM u jirta saldhigga Madar-shoon ee kooxda Sh. Atam maanta laga qabsaday.

Inkasta oo dagaalku wali socdo, haddana ma cadda khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka maanta dhacay.

Saldhigga Madar-shoon waa goobtii saddexaad ee ciidanka Puntland ay todobaad gudihii ka qabsadaan malayshiyada uu hogaamiyo Sh. Maxamed Siciid (Atam), iyadoo hadda ka horna kooxda Atam laga saaray tuulada Galgala iyo togga Sugurre.