Tababaraha cusub ee Chelsea Mauricio Pochettino ayaa kalsooni ku qaba in kooxdu sanadaha soo socda kasoo kaban doonto dhibaatada aysan xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay wajahday marka uu dhaqan galiyo qorshihiisa, oo uu rajaynayo inuu si dhakhso ah wax ugu qabto
Tababaraha reer Argentine ayaa sidaas sheegay Jimcihii, iyada oo kooxda ka dhisan galbeedka London ay kusoo bandhigtay shir jaraa’id.
Chelsea ayaa u magacawday Pochettino dhammaadkii bishii May kadib markii ay ku dhammeysteen kaalinta 12-aad ee Premier League, kadib olole qalelaase ah, xilligaas oo Thomas Tuchel, Graham Potter iyo Frank Lampard ay soo maamulayeen kooxda.
51-jirkaan Pochettino, oo saxiixay qandaraas labo sano ah oo uu ku jiro fursadda sanad kale, ayaa shaqada bilaabay 1-dii Luulyo, wuxuuna rajeynayaa inuu wax ka beddelo hantida Chelsea kadib markii ay ku dhameysteen heerkoodii ugu xumaa tan iyo 1994-kii.
“Bartilmaameedkaygu waa inaan guulaysto, ujeedkayguna waa inaan guulaysto” ayuu yiri tababarihii hore ee Tottenham Hotspur iyo Paris St Germain oo saxaafada kula hadlay Stamford Bridge.
"Kubada Cagtu waxay ku saabsan tahay maanta, shalay. Kama hadli kartid wakhti dheer, dadka uma sheegi karno inaan u baahanahay lix bilood oo abuur ah" ayuu raaciyay Pochettino.
Reuters.