Nuqulkii u Danbeeyey ee Dastuurka oo la Saxiixay

  • Yasin Wardheere

Madaxda Soomaalida ayaa Nairobi ku saxiixay nuqulkii ugu danbeeyey ee qabyo-qoraalka dastuurka Soomaaliya.

War murtiyeed goor dhowayd ka soo baxay magaalada Nayroobi ayaa lagu sheegay in nuqulkan la saxiixay uu yahay midka ay soo dhammaystireen Guddigii Frasamada ee Dib u eegista datsuurka oo lagu sameeyey bishii hore magaalada Addis Ababa. Waxay kaloo isku raceeen guddi loo bixiyey Fududaynta Hawlaha Farsamo oo uu madax u noqonyao Wasiirka Datsuurka iyo Dib u heshiisiinta Cabdiraxmana Xoosh Jibriil.

Xilliga ay kulmi lahaayeen ergada ansixinta datsuurka ayaa dib loo durkiyey oo laga dhigay 12-ka Juulaay ilaa 20-ka Juulaay, iyadoo la sheegay in guddigaasi ansixinta la kala diri doono markii ay u codeeyaan ansixinta ku meelgaadhka ah ee Qabyo-qoraalka.