Wafdiga ka socda Golaha amniga ee Qaramada midoobay ayaa maanta magaalada Nairobi ku qaabilay madaxda dowladda KMG ee Somalia, oo ay ka mid yihiin madaxweynaha, raisal-wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.
Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa VOA u sheegay in kulankaasi uu golluhu kala hadlay madaxda Soomaalida, xaaladda Somalia iyo waliba muranka ka dhextaagan DKMG.
Xildhibaan C/raxmaan, wuxuu xusay in dhinacyada iskhilaafsan ee DKMG ay kulankaasi ka soo jeediyeen warbixinno la xiriirra sida ay u arkaan xaaladda Somalia iyo sida looga bixi karo xilliga kala guurka ee bisha August.
Golaha amnigu waxay sidoo kale kulamo gooni-gooni ah la qaateen madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug iyo waliba wasiirro ka socda Somaliland.
Golaha amniga ayaa lagu wadaa caawa fiidkii inay war-saxaafadeed ka soo saaraan xaaladda Somalia iyo waliba natiijooyinka kulamadii ay maanta la qaateen madaxda Soomaalida.