Safaaradaha beesha caalamka ee fadhigoodu uu yahay magaalada Nairobi, oo ka hadlay sida ay u arkaan doorashadii madaxtanimada ee Kenya, ayaa bogaadiyey sidii nabadgalyada lahayd ee ay doorashadu ku dhacday iyo sidoo kale doorkii ay ka qaateen doorashada ururuada buslshada rayidka ah.
Sidoo kale dowladdaha gobolka oo ay Soomaaliya kamid tahay ayaa dhambaallo hambalyo ah u diray madaxweynaha dooran ee Kenya William Ruto. Kenya ayaa la rumaysan yahay inay tahay wadan muhiim u ah xasilooniada iyo hormarka qaaradda Afrika, gaar ahaana gobolka Geesk Afrika.
Haddaba maxay tahay muhiimadda uu isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay Kenya uu u leeyahay Soomaaliya iyo guud ahaan gobboka.
Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayaa su’aashaasi iyo kuwo kale waydiiyay wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Soomaaliya danjire Axmed Cawad oo ku sugan magaalada Nairobi.
Your browser doesn’t support HTML5
Muxuu isbeddelka siyaasadeed ee Kenya uga dhigan yahay Soomaaliya?