Muqdisho oo laga xusay maalinta Afka Hooyo

Hotel Sahafi Mogadishu

Munaasabad lagu xusayay maalinta Afka Hooyo ee 21-ka Febraayo ayaa waxaa lagu qabtay Hotel Sahafi ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo ay soo qabanqaabiyeen Naadiga Hal-abuurka iyo Qalinlayda Somaliyeed ee loo yaqaan Somali Pen ayaa waxay isugu yimid aqoonyahano wax ka qoray afka Soomaaliga, qaar ka mid ah macallimiinta wax ka dhiga jaamacadaha magaalada Muqdisho, xubno ka socday abwaaninta Soomaaliyeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Benaadir. Xuseen Sh. Axmed Kadare ayaa ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay isagoo ka dhawaajiyay in afka Somaligu ka kooban yahay 2 lahjadood Maay iyo Maxaa Tiri. Kadare wuxuu sheegay in baadhitaan ay sameeyeen lagu ogaaday in lahjadda Maay-du tahay tan asalka ah ee Af-Soomaaliga.

Xuseen Sheekh Axmed (Kadare ) oo ka tirsanaa guddigii wax ka qoray Afka-Soomaaliga ayaa mar uu ka hadlayay marxaladihii ay soo martay qorista afka-Soomaaliga wuxuu sheegay in markii ugu horraysay ee ay ka fakaraan qorista Af-Soomaaligu ay ku beegnayd sanadii 1958-kii, iyadoo guddi ilaa 5 qof ka koobnaa oo uu isagu ku jiray ay isku maan dhaafsanaayeen nooca ay noqonayso farta lagu qorayo Afka Soomaaliga.

Mustafe Cabdulaahi Dheeg oo ah barre wax ka dhiga jaamacada Muqdisho oo isna munaasabada ka hadlay ayaa ku dooday in Afka-Soomaaligu aanu baabi'i doonin mustaqbalka dhaw.

Abwaan Saciid Maxamuud Xarawo oo ku hadlayay magaca abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in marka laga hadlayo af soomaaliga iyo kaalinta abwaanadu ku leeyihiin uu doorka koowaad soo galayo abwaan Cali Sugulle oo lixdamaadkii sameeyay heesta caanka ah ee lagu magacaabo (AF QALAAD AQOONTA MIYAA ) taasoo uu sheegay in heestaasi ay muran wayn ka dhex dhalisay wasaaradii warfaafinta ee xiligaasi jirtay gaar ahaan ku simihii wasiirka wasaaradaasi iyo abwaan Cali sugulle

Munaasabadan ayaa intii ay socotay waxaa isagoo jooga magaalada Burco qadka taleefanka kaga qayb qaatay abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo isagu qaybihii bulshada halkaasi isugu yimid kula dardaarmay in la bad-baadiyo afka Soomaaliga maadaama uu yahay kan kaliya ee guud ahaan Soomaali wayn ka dhaxeeya. Gabagabadii gudoomiyaha naadiga Somali Pen ee koonfurta Soomaaliya C/naasir Yuusuf Macallin ayaa shahaadooyin ku gudoonsiiyay qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka oo isugu jira rag iyo dumar kuwaasoo la sheegay in ay ka soo qayb qaateen daddaalo lagu tayaynayay afka Soomaaliga.