Miisaaniyada 2011 ee DKMG oo la Ansixiyay

A demonstrator falls after being hit by water cannon used by riot police to disperse the crowd during a protest against the destruction of trees in a park brought about by a pedestrian project, in Taksim Square in central Istanbul.

Baarlamaanka Somalia ayaa maanta ansixiyay miisaaniyada DKMG ee sanadka 2011-ka taasoo dhan 100 Malyuun oo Dollar.

Baarlamaanka Somalia ayaa maanta ansixiyay miisaaniyada sanadka 2011-ka ee dowladda KMG.

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay si weyn uga dooddayay miisaaniyada sanadka 2011 taasoo dhan 100 Malyuun oo Dollar.

Madasha kulanka baarlamaanka Soomaaliya waxaa goobjoog ka ahaa 286 mudane. 281 mudane ayaa ansixiyay miisaaniyda, 4 mudane way diideen halka 1 mudane uu isagu ka aamusay.

Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane oo baarlamaanka u gudbiyay miisaaniyadan ayaa wareysi uu siiyay idaacaddan VOA wuxuu ku sheegay in qeyb ka mid ah miisaaniyadda dowladdu ay ka imanayso gudaha dalka, halka inta kalena ay ka imanayso mucaawinooyinka dibeddaha laga filayo.

Dakhliga ugu badan ee soo gala dowladda KMG ayaa wuxuu ka yimaadaa dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.