Muqdisho: Doorashada Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland oo lasoo geba-gebeeyey

Doorashada Reer Waqooyiga

Guddiga doorashooyinka ee maamulaya doorashada xildhibaannada asal ahaan kasoo jeeda Somaliland ee ka midka noqonaya baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyey doorashada kuraastii u dambasay 46-ka kursi ee ay doorashadeeda maamulayeen.

Saddexdii kursi ee ugu dambeysay ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale dhacday munaasabad lagu soo xiray doorashada oo uu ka qeyb-galay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Your browser doesn’t support HTML5

Muqdisho: Doorashada Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland oo lasoo geba-gebeeyey