Dibadbax lagu taageeray dilkii hoggaamiyaha al-Qaacida, Osama bin Laden ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.
Dibadbaxayaasha waxay ku dhowaaqayeen hal ku dhigyo ku baaqayay in la soo afjaro argagixisinimada iyo kooxda al-Qaacida taageersan ee al-Shabaab.
Ciidan ka tirsan dowladda KMG ah ayaa ilaalinayay, maadaama uu dibadbaxu ka dhacayay qeybaha ay dowladdu ka maamusho caasimadda.
Kooxda al-Shabaab ayaa ka talisa qeyb ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale maamusha qeybo ballaaran oo ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Afhayeen u hadlay al-Shabaab ayaa ku hanjabay inay geysan doonaan weeraro ay ugu aargudayaan dhimashada hoggaamiyaha al-Qaacida, Osama bin Laden.
Saraakiisha Soomaalida waxay rumeysan yihiin in dilka bin Laden uu hoos u dhigayo taageeradii al-Qaacida ee kooxda al-Shabaab. Boqolaal dagaalyahanno ajaanib ah ayaa la aamisan yahay in ay garab siinayaan kooxda al-Shabaab.