Muqdisho: Dagaallo Xoogan oo Dhacay

  • VOA Somali

Muqdisho: Dagaallo Xoogan oo Dhacay

Hogaanka Xisbul-Islaam ayaa heegan ka galay duulaamada ay kooxda al-Shabaab ku qaado deegaamada ay joogaan ee Soomaaliya.

Hogaanka ururuka Xisbul-Islam ayaa isku raacay in deegaanada ay gacanta ku hayaan ay ka difaacdaan kooxda al-Shabaab, go’aankan ayaa la sheegay inay ku gaareen kulan ay isugu yimaadeen madaxda ururkaasi oo ka dhacay goob aan shaaca laga qaadin, sida ay VOA-du ka heshay ilo lagu kalsoon yahay.

Ururka Xisbul-Islaam ayaa todobaadyadii dhowaa waxa ay isku farasaareen ururka al-Shabaab dhowr goobood oo ka tirsan gobollada Bay iyo Shabellaha Hoose oo ay al-shabaab la wareegtay deegaano ay Xisbul-Islaam horey u haysatay.

Maleeshiyada labadan kooxood ayaa ka midaysan dagaalka ay kula jiraan dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM. Hase yeeshee dagaaladan waxay qeyb ka yihiin isku dhacyo horey u dhexmaray labada dhinac oo horey u yeeshay kulamo laysugu dayay inay laysu soo dhoweeyo.

Hase yeeshee dagaaladan ugu dambeeya iyo heeganka ay gashay Xisbul-Islaam ayaa muujinaya in weji cusub oo dagaal uu ka dhex bilowday kooxaha al-shabaab iyo Xisbul-Islaam. Xaaladdan dagaal ee ke dhex aloosan labada dhinac ayaa muujineysa inay yar tahay rajada laga qabi karo in xal la dhex dhigo labadan urur oo horey ay isaga dileen saraakiil.