Munaasabad loogu duceeyay suxufiyiintii ku dhintay qaraxii Soobe oo Muqdisho lagu qabtay
Muqdisho —
Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagu qabtay munaasabad lagu xusay looguna duceeyay Allah ha u naxariistee Cabdullaahi Jaamac Cali iyo Maxamed Ciise Koonaa oo ahaa laba saxafi oo ka mid noqday dadki tirada badnaa ee lagu dilay qaraxyadii Zoobe.