Mucaaradka Somaliland oo Xukuumadda Dhaliilay

Mucaaradka Somaliland oo Xukuumadda Dhaliilay

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Ing. Faysal C. Waraabe ayaa khalad weyn ku tilmaamay shir ay Xukuumadda Somaliland kaga qeyb gashay Britain

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Ing. Faysal C. Waraabe ayaa dhaliilay shir uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar uu magaalada London kaga qeyb galay.

Guddoomiyaha ayaa shirkaas uu Dr. Maxamed C. Cumar ka qeyb galay, lagagana hadlayey xal u helidda arrimaha Somalia, ku sheegay in falkaasi uu noqon karo khalad weyn oo xukuumaduu gashay.

Guddoomiyaha UCID ayaa sheegay in falkani uu ahaa mid Somaliland u ekaysiinaya inay tahay dawalad-goboleed ka mid ah kuwa Somalia ka jira, maaddaama ay meesha joogeen Puntland, Galmudug, iyo Dawladda KMG ah ee Somalia.

Wareysiga oo dhamesytiran, qeybta hoose ka dhageyso.