Dagaalyahaniinta mucaaradka ayaa galay dhismaha Hogaamiyaha LIbya Mucammar al-Qadaafi iyada oo dagaalo ay socdeen maanta oo dhan
Dagaalyahaniinta mucaaradka ayaa galay dhismaha Hogaamiyaha LIbya Mucammar al-Qadaafi iyada oo dagaalo ay socdeen maanta oo dhan. Wali lama oga halka uu ku sugan yahay Hogaamiyihii Libya Mucammar al-Qadaafi iyo qoyskiisii. Wiilka uu dhalay ee Saif al-Islaam oo mucaaradku hore u sheegeen inay qabteen ayaa lagu arkay isagoo warfidiyeenada kula hadlay magaalada Tripoli isla markaana beeniyey wararka mucaaradka ee sheegaya inay isaga qabteen.