Mucaaradka Koonfur Galbeed oo dalbanaya doorasho waqtigeeda ku dhacda

Mucaaradka Koonfur Galbeed

Mas'uulyiin iyo siyaasiin xilal kala duwan horay uga soo qabtay dowladda Soomaaliya, islamarkaana kasoo jeeda deegaanada Koonfur-galbeed Soomaaliya, ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo wada tashi ah ku lahaa magaalada Nairobi.

Xubnahan ayaa wada dadaallo siyasadeed oo ay Madaxweynaha Koonfur-galbeed ay uga dalbanayaan in doorashada Madaxtanimada Maamulkaasi wakhtigeeda lagu qabto.

Dhinaca kale, dadka taageersan Madaxweynaha Koonfur-galbeed ay sheegaya in wakhtigii doorashada la qaban lahaa ay wali tahay, oo uusan wali dhammaan muddo xileedkii madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed.

Khadar Maxamuud Xareed ayaa faah-faahinta Nairobi kasoo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Mucaaradka Koonfur Galbeed oo dalbanaya doorasho waqtigeeda ku dhacda