Qarax Goor Dhowayd Ka Dhacay Muqdishu

Qarax culus ayaa ka dhacay agagaarka Maka Al-Mukarama Hotel ee magaalada Muqdishu sida ay goobjoogayaal u sheegeen idaacadda VOA.

Ugu yaraan shan qof oo u badan rayid ayaa la sheegay inay weerarkan ku dhaawacmeen.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay walxaha qarxa oo lagu soo dhex-qariyey baabuur la dhigay waddo u dhow huteelka.

Aragagax ayaa la sheegay inuu ka dhacay goobta markii uu qaraxu dhacay kadib.

Mas'uuliyiinta amniga ee dawladda ayaa markiiba goobta gaadhay, iyaga oo isku wareejiyey halkaasi.