Tobaneeyo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Muqdishu

Qaraxa Muqdisho

In ka badan 70 ayaa ku dhimatay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarax oo lala beegsaday Ex-Control.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin rayid oo ay ku jiraan arday u socotay jaamacadaha iyo dugsiyada.

Weerarka ayaa dhacay wax yar ka hor 8-da subaxnimo ee saacadda Muqdishu, xilligaas oo ah waqti uu isgoysku aad mashquul u ahaa ayna marayeen baabuurta ka timaadda Afgooye iyo kuwa ka baxaya magaalada ee ku socda gobolka Shabeellaha Hoose.

Safaaradda Turkiga ee Muqdishu ayaa sheegtay in laba muwaadin oo u dhashay dalka Turkey ay ka mid ahaayeen dadka ku dhintay weerarka.

Weerarkan ayaa argagax ku abuuray dadweynaha Muqdishu, waxaana uu imanayaa iyadoo saddex maalmood ay ka harsan tahay dhammaadka sannadkan.