Qarax lala beegsaday sarkaal sare

Warar goor dhowayd naga soo gaadhay magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday Guddoomiye Ku Xigeenka Amniga ee Gobolka Shabeellada Hoose Axmed Cumar Mudan.

Mudan ayaa la sheegay inuu soo gaadhay dhaawac culus, haatanna lagu daweynayo cisbititaallada magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Siidii ayaa VOA u xaqiijiyey weerarkan lala beegsaday ku xigeenkiisa.