Maydka Qaddafi oo lagu Jiiday Wadooyinka Sirte

Maydka Qaddafi oo lagu Jiiday Wadooyinka Sirte

Ciidamada iyo taageerayaasha DKMG ee Libya ayaa wadooyinka Sirte ku jiiday maydka Mucammar al-Qaddaafi oo maanta la dilay.

Wararka ugu danbeeyay ayaa sheegaya in maydka Qaddaafi haatan la geeyay magaalada Missarata.

Ciidamada DKMG ayaa toogasho ku dilay Qaddaafi xilli u la socday baabuur kolonyo ah oo ka cararayay dagaallada magaalada Sirte.

Magaallooyinka waa weyn ee Libya sida, Tripoli iyo Sirta waxaa ka socda dabaaldegyo ku aadan dhimashada hoggaamiyihii hore ee Libya Mucammar al-Qaddaafi oo dalkaasi maamulayay muddo 42 sannadood ah.