Maxay ka dhigan tahay xeerarka uu baabi'iyey madaxweyne Xasan?

Xasan Sheekh

Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay baabi'iyay saddex xeer oo dhammaadkii 2020-kii uu saxiixay madaxweynahii ka horreeyay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Xukuumadda usoo jeediyay in lasoo magacaabo Guddiyada doorashooyinka iyo kan Xuduudaha oo laba ka mid ah xeerarka uu laalay ay quseeyeen.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa waxaa horyaalla inay ka shaqeyso sidii muwaadiiinta Soomaaliyeed u codeyn lahaayeen doorashada soo socota, taas oo aan dalka ka dhicin waqti dheer.

Weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow ayaa warbixin arrintaasi ku saabsan kasoo diray Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Maxay ka dhigan yihiin xeerarka uu baabi'iyey madaxweyne Xasan?