Maxamuud Sayid: Waa in dib u eegis lagu sameeyo wakhtiga Soomaalidu ay xilka kula wareegi karto ATMIS

Maxamuud Sayid Aadan

Dawladda Soomaaliya ayaa dhowaan codsatay in dib loo dhigo bixitaanka 3,000 oo ka mid ah ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS muddo 90-maalmood ah, hase yeeshee mid ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida ee walaaca ugu horreeyey ka muujiyey dhimista ciidamada ATMIS iyo bixitaankooda ayaa sheegay inaysan saddex bilood aysan ahayn muddo ku filan, loona baahan yahay in dib loo eego waqtiga Soomaalidu ay xilka kula wareegi karaan.

Bishii Juun ayaa 2 kun oo ah ciidamada ATMIS ay ka baxeen dalka, waxaana toddoba saldhig oo ay wareejiyeen mid ka mid ah oo ah Geriley qabsaday maleeshiyaadka al-Shabaab.

Haaruun Macruuf ayaa bixitaanka ATMIS iyo codsiga dawladda Soomaaliya ka waraystay Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Maxsmuud Sayid Aadan