Maxaas —
Ciidamada dowladda ayaa fashiliyay Qarax is Miidaamin ah oo Al-Shabaab ay doonayeen in aay ka fuliyeen gudaha degmada Maxaas, sidaasi waxaa VOA u xaqiijiyey maamulka degmada.
Gudoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo la hadlay VOA ayaa sheegay in cidamada dowlada ay uga hortageen meel qiyaastii 10km Maxaas u jirto gaari laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa iyo qofkii isa soo miidaamiyey.
Ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo maalmihii ugu dambeeyey joogay Maxaas ayaa maanta kormeeray xeryaha ciidamada dowlada iyo kuwa dadka degaanka.
Amniga degmada Maxaas ayaa aad loo adkeeyay waxaana weli ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiin kala duwan.