Dadka rikaabka ah ee isticmaala diyaaradaha u duula gudaha dalka ayaa la sheegay inay caqabado kala kulmaan duulimaadyada oo mararka qaarkood noqda kuwo aan la isku hallayn karin, iyada oo mararka qaar lagu wargeliyo in safarku uu baaqday kadib muddo dheer oo ay sugayeen.
Hay'adda duulista rayadka ayaa soo saartay go'aan ay ku joojisay in aysan rikaab soo xarayn karin shirkad aan lahayn diyaarad muuqata oo diiwaangashan.
Weriyhayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa dhibaatooyinkan ka waraystay Maareeyaha hay'adda duulista rayadka Axmed Macallin Xassan.