Man United oo ku dhow inay heshiis la saxiixato goolhaye André Onana

FBL-EUR-C1-MAN CITY-INTER

Kooxda Manchester United ayaa ku dhow inay heshiis la saxiixato goolhayaha kooxda Inter André Onana, iyada oo wadahadallada ku saabsan beeca ciyaaryahankan ay galeen saacadihii ugu dambeeyay.

Waxaa lagu wadaa in Manchester United ay kusoo iibsato André Onana adduun lacageed oo dhan 55-milyan oo lacagta Yuurowda ah.

Goolhayaha waddanka Cameroon André Onana ayaa toddoyaadi ugu dambeeyay ahaa bartilmaameedka kooxda Manchester.

Goolhayaha Manchester United David De Gea ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay inuu 12 sano kadib ka huleelayo garoonka Old Trafrord, kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula joogay kooxda.