Mali: Cunaqabateyn Lagu Soo Rogay Milatariga

Dalalka Galbeedka Africa ayaa cuna qabateyn ku soo rogay dalka Mali, halkaasoo hogaamiyaasha afgambiga milatari dalkaasi ku qabsaday ay wacad ku marayaan inay soo celinayaan xukunkii rayidka ahaa, inkastoo ay weli dalkaasi xoog ku heystaan.

hogaaniyeyaasha dalalka ku bahoobay ururka dhaqaalaha iyo iskaashiga ee galbeedka Africa ee marka magaciis la soo gaabiyo la yirahdo ,ECOWAS, ayaa go’aan ku gaaray isniintii inay hirgeliyaan cuna- qabateyno deg deg ah oo dhinaca diplomaasiyadda iyo maaliyadda ah oo lagu soo rogo Mali.

Dalalkan ayaa xiray xuduudaha ay la wadaagaan Mali, waxyna sidoo kale jareen lacagihii dalkaasi gali jiray ee ku xiraa bangiga dhexe ee Gobolka.

Go’aanka ay dalalkan gaareen ayaa ka soo baxay kulan ay hogaamiyeyaashooda ku yeesheen Caasimadda dalka Senegal ee , Dakar, ka dib markii uu dhamaaday 72 saacadood oo loo qabtay milatariga Mali inay dalkaasi ku soo celiyaan nidaamkii dastuuriga ahaa.

Axadiina, hogaamiyaha Afgambiga , Captain Amadou Sanogo ayaa sheegay in dastuurkii dalkaasi Mali iyo dhamaan hay’adihii wadanka la soo celinayo, hase yeeshee uusan waqti u qaban xilliga a doorashooyinka dhacayaan.